Aqoon'yahanadii iyo Saynis'yahanadii Islaamka



Hordhac

Dhaqankii Islaamku wuxuu si weyn u dhiirigaliyay waxbarashada iyo cilmi-baarista, taas oo keentay in ay soo baxaan saynisyahanno iyo aqoonyahanno caan ah oo dunida saameyn ku yeeshay. Halkan waxaan ku eegaynaa shan ka mid ah shaqsiyaadkii ugu caansanaa ee qaybaha kala duwan ee sayniska soo saaray. 

1: Al-Khwarizmi: Aabbaha Xisaabta iyo Al-jabra 

Muxammad ibn Muusaa al-Khwarizmi wuxuu dhashay qiyaastii sanadkii 780 M wuxuu ku dhashay magalada  Khwarezm (ee maanta loo yaqaano Khiva, Uzbekistan) wuxuuna geeriyooday qiyaastii 850 M. Wuxuu ahaa aqoonyahan caan ah oo ku takhasusay xisaabta, juqraafiyada, iyo cilmiga xiddigiska. 

Waxyaabaha uu ikhtiraacay

• Al-Jabra (Algebra): Waxa uu sameeyay buuggiisa caanka ah ee "Kitab al-Jabr wal Muqabalah" (Buugga Dib-u-soo-celinta iyo Isbarbardhigga), kaas oo aasaas u noqday cilmiga aljabrada. Erayga "Algebra" laftiisa wuxuu ka yimid magaca buugga. 

Algoritmada: Magaciisa ayuu siiyay ereyga "Algorithm", oo ah hababka xisaabta ee isku xiran ee loo isticmaalo kombuyuutarrada. 

• Nambarrada Hindi-Carabiga: Waxa uu door weyn ka qaatay faafinta nambarada Hindi-Carabiga (0,1,2,3,4) Yurub iyo dunida inteeda kale. Nambarka "eber" (zero) wuxuu ahaa mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee uu dunida baray. 

Kaalintiisa Bulshada: Cilmi-baadhista uu sameeyay AL-Khwarizmi waxay fududeysay in si dhib yar loo xisaabiyo waxyaabo badan oo la xidhiidha ganacsiga, dhulka cabbirida, iyo dhismaha. Waxa uu aasaas u noqday cilmiga xisaabta ee casriga ah, taas oo ilaa maanta la isticmaalo. 

2: Ibn Sina  Dhakhtarkii iyo Faylasoofkii Weynaa 

Abuu Cali al-Xusayn ibn Cabdalla ibn Sina wuxuu dhashay 980 M wuxuu ku dhashay magalada Afshana, Bukhaara (ee maanta loo yaqaano Uzbekistan) wuxuuna geeriyooday 1037 M. Wuxuu ahaa dhakhtar, faylasoof, cilmi-yahan, iyo gabayaa. 

Waxyaabaha uu Soo Kiciyay

• Cilmi-nafsiga iyo Daaweynta: Buuggiisa "Al-Qanun fi al-Tibb" (THE Law of Medicine) waa mid ka mid ah buugaagta ugu muhiimsan ee caafimaadka ee abid la qoro. Waxa uu noqday il-qoraal muddo ka badan 500 oo sano oo Yurub iyo Aasiya ah. Buuggan wuxuu sharaxayaa daaweynta cudurada kala duwan, qalliinnada, iyo daawooyinka la isticmaalo. 

• Cilmi-nafsiga (Psychology): Ibn Sina wuxuu wax badan ka qoray cilmi-nafsiga, isagoo ku doodaya in ay jirto xidhiidh u dhexeeya maskaxda iyo jidhka. 

• Caafimaadka: Waxa uu si gaar ah diiradda u saaray fayraska, isagoo sharaxaya in cuduro badan ay faafaan sababta oo ah waxyaabo aan la arki karin oo hawada ku jira. 

Ibn Sina wuxuu ahaa qof aad u caqli badan oo ku takhasusay cilmi badan. Waxaa la sheegaa inuu Qur'aanka iyo cilmi badan oo diini ah uu ku dhameeyey isagoo 10 jir ah. Intii uu yar yaraa, waxaa ka hor yimid caqabado badan oo xagga waxbarashada ah, laakiin cilmi doonidiisa uma joogsan. 

Qisadii ibnu sinaa

Qisadii ugu yaabka badnayd ee la xidhiidha isaga waxay ahayd markii uu jiray 18 sano. Wuxuu daweeyey amiirkii magaalada ay ku noolaayeen, Nux II ibn Mansur. Amiirka ayaa si xun u bukay, dhakhaatiirta kalena way ka quusteen. Ibn Sina ayaa daweeyey oo bogsiiyey. Amiirkii oo aad ula yaabay caqligiisa ayaa u soo jeediyey inuu abaal marin siiyo. 

Ibn Sina wuu diiday in lacag la siiyo, laakiin wuxuu ka codsaday in loo ogolaado inuu galo maktabada amiirka. Maktabadaasi waxay ahayd mid aad u weyn oo ay ku yaalleen buugaag naadir ah oo aan meel kale laga helin. Amiirkiina wuu ka aqbalay. Ibn Sina wuxuu waqti badan ku qaatay inuu maktabadaas ka akhristo buugaagta ku jiray taas oo ka caawisay in uu noqdo aqoonyahanada ugu waaweyn adduunka 

Kaalintiisa Bulshada: Ibn Sina wuxuu saameyn weyn ku yeeshay caafimaadka casriga ah. Hababka cilmi-baadhista ee uu adeegsaday waxay aasaas u noqdeen isbitaallada iyo jaamacadaha caafimaadka ee Yurub. 

3: Al-Razi (Rhazes): Aabbaha Kimistriga iyo Caafimaadka Tijaabo-Ku-Saleysan 

Abuu Bakar Muxammad ibn Zakariya al-Razi wuxuu dhashay 854 M wuxuu ku dhashay magalada Ray, ee dalk Iran wuxuuna geeriyooday 925 M. Wuxuu ahaa dhakhtar iyo kimistari. 


Waxyaabaha uu soo tijaabiyay

• Dhaqanka Tijaabada: Al-Razi wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee isticmaala hababka tijaabada ee cilmi-baarista caafimaadka. Tusaale ahaan, wuxuu ku tijaabiyay daawooyin kala duwan xayawaan si uu u ogaado waxtarkooda ka hor inta aanu bani'aadamka u adeegsan. 

• Cudurada: Waxa uu ahaa kii ugu horreeyay ee kala saara cudurada busbashka (smallpox) iyo jadeecada (measles), isagoo sharaxay astaamaha labada cudur. 

• Kimistriga: Wuxuu baadhay kiimikada, isagoo sameeyay tiro badan oo walxaha kiimikaadka ah iyo hababka sifaynta. 

Kaalintiisa Bulshada: Al-Razi wuxuu sameeyay qalliino badan oo muhiim ah, isagoo adeegsanaya habab casri ah oo uu isagu ikhtiraacay. Waxa uu kaalinta ugu muhiimsan ka qaatay horumarinta cilmiga caafimaadka ee ku saleysan cadaymaha. 


4: Ibn al-Haytham (Alhazen): Aabbaha Cilmi-baarista Casriga ah ee Indhaha 

Abuu Cali al-Xasan ibn al-Xasan ibn al-Haytham wuxuu dhashay 965 M wuxuu ku dhashaymagalada Basra, ee dalka Ciraaq wuxuuna geeriyooday 1040 M. Wuxuu ahaa fiisigisi'yahan, iyo xisaabyahan, iyo aqoonyahan ku takhasusay indhaha. 


Waxyaabaha uu Soo Kiciyay: 

• Aragtida Iftiinka: Ibn al-Haytham wuxuu aasaas u ahaa cilmiga indhaha. Waxa uu caddeeyay in ilaysku (iftiinku) uu ka yimaado shayga ka dibna uu indhaha galo, taas oo ka duwanayd aragtida Giriiggii hore ee sheegaysay in indhuhu ay soo saaraan iftiin. 

• Habka Cilmi-baarista: Buuggiisa "Kitab al-Manazir" (Buugga Indhaha) wuxuu isticmaalaa habka cilmi-baarista ee maanta loo yaqaan 'scientific method', taas oo ah in tijaabooyin la sameeyo, la falanqeeyo natiijada, laguna soo afjaro fikradaha. 

• Qalabka Indhaha: Waxa uu sameeyay qalabka kamarada (camera obscura), isagoo sharaxaya sida uu u shaqeeyo. 

•Kaalintiisa Bulshada: Waxa uu aasaas u ahaa cilmiga fiisigiska ee casriga ah, gaar ahaan qaybta indhaha (optics). Shaqadiisa waxay saameyn weyn ku yeelatay cilmi-baaristii Yurub ee qarniyadii dambe. 


5: Al-Biruni: Aqoonyahankii Dhan-Wadnaha 


Abuu Rayxaan Muxammad ibn Axmad al-Biruni wuxuu dhashay 973 M wuxuu ku dhashay magalada Khwarezm ( ee maanta loo yaqaano Uzbekistan) wuxuuna geeriyooday 1048 M. Wuxuu ahaa aqoonyahan caan ah oo ku takhasusay cilmiga dhulka, xisaabta, juqraafiyada, iyo cilmiga cilmi-nafsiga. 

Waxyaabaha uu Soo Kiciyay

• Cabbirka Dhulka: Al-Biruni wuxuu cabbiray wareegga dhulka (circumference) isagoo adeegsanaya habka xisaabta ee isagu ikhtiraacay. Natiijadiisa waxay ahayd mid aad ugu dhow cabbirka casriga ah. 


Geoloojiga: Wuxuu sharaxay sida ay dhulku u samaysmo, isagoo ku doodaya in ay biyuhu sabab u yihiin

• Cilmi-baadhista Dhaqanka: Al-Biruni wuxuu sameeyay cilmi-baadhis qoto dheer oo ku saabsan dhaqanka Hindiya, isagoo la yimid buugga "Tahqiq ma li al-Hind". 

•Kaalintiisa Bulshada: Al-Biruni waxa uu ahaa mid ka mid ah aqoonyahannada ugu waawayn ee dunida soo maray. Shaqadiisa waxay u adeegtay il-qoraal aqoonyahanno badan oo dambe, gaar ahaan cilmiga dhulka iyo xisaabta. 


Shanta Aqoonyahan ee Social Science-ka ee Islaamka ee cilmiga bulshada 

Aqoon-yahanadan waxay door muhiim ah ka ciyaareen horumarinta cilmiga bulshada (Social Sciences), iyagoo soo kordhiyay fikrado cusub oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, iyo falsafadda. 


Ibn Khaldun: Aabbaha Cilmi-bulshada iyo Taariikhda 

Cabdraxmaan ibn Muxammad ibn Khaldun wuxuu dhashay 1332 M  wuxuu ku dhashay dalka Tunis wuxuuna geeriyooday 1406 M. Wuxuu ahaa taariikhyahan, bulshayahay, iyo faylasoof. Waxa loo arkaa inuu yahay aabbaha cilmi-bulshada iyo taariikhda. 

Shaqooyinkiisa Muhiimka ahaa

• "Al-Muqaddimah" : Kani waa buuggiisa ugu caansan, kaas oo aasaas u ah cilmiga bulshada. Ibn Khaldun wuxuu ku sharaxay sababaha ay dawladaha iyo bulshooyinka u korayaan ama u burburayaan. Waxa uu soo saaray fikradaha 'asabiyyah' (iskaashi-qabiil) iyo wareegga dawladaha (cycle of states). 

• Taariikhda Bulshada: Waxa uu ku doodayaa in taariikhda la falanqeeyo iyadoo la eegayo arrimaha bulshada, siyaasadda, iyo dhaqaalaha. 

Qisadii Ibn Khalduun  ku dhacdey 

Ibn Khaldun wuxuu aqoonyahan laakin marar badan waxaa dhibaato ka soo gaadhay siyaasada. Waayihiisa siyaasadeed waxay ahaayeen kuwo aad u kacsan, wuxuuna ka soo shaqeeyay meelo badan oo siyaasadeed. 

Qisooyinka laga sheego waxaa ka mid ah markii uu galay wadahadalo uu la yeeshay Tamerlane (Timur), oo ahaa nin duulaan ku ahaa gobollada uu ku noolaa. Tamerlane ayaa duulaan ku soo qaaday magaaladii (Dimishiq), ee caasimad dalka suuriya oo ah meeshii Ibn Khaldun markaas ku noolaa. Ibn Khaldun wuxuu ka baqay in magaalada la burburiyo. 


Waxay ahayd markii uu ka dhuuntay derbiga magaalada oo uu u tegey Tamerlane si ay u wadahadlaan. Tamerlane ayaa si weyn u soo dhaweeyey. Waxay wada fadhiisteen in ka badan 40 maalmood, iyagoo ka sheekaysanaya taariikhda, dawladaha, iyo cilmiga bulshada. Tamerlane wuxuu aad ula dhacay caqliga Ibn Khaldun, wuxuuna ka codsaday inuu u qoro taariikhda. Ibn Khaldun wuu ogolaaday, wuxuuna u qoray taariikhda laakiin ugu dambayntii wuu ka soo noqday. 


Tani waxay muujineysaa xikmadiisa iyo inuu dhex maray laba nin oo cadow ah oo midna ahaa amiirka awooda badan ee Tamerlane iyo dhinaca kalena uu ahaa qoraa iyo faylasoof. 

Saamayntiisa: Fikradihiisa waxay si weyn u saameeyeen cilmi-bulshada casriga ah, iyadoo loo tixraaco inuu yahay kii ugu horreeyay ee si cilmi ah u falanqeeya horumarka bulshada. 


Al-Farabi: Aqoonyahankii weyna ee takhasuska mamulkaCaasimadaha

Abuu Nasr Muxammad al-Farabi wuxuu dhashay qiyaastii 872 M  ee magalada Farab (maanta waxaa loo yaqana wadanka Kazakhstan) wuxuuna geeriyooday 950 M. Wuxuu ahaa faylasoof, cilmi-bulshayahay, iyo muusigyahan. 

Shaqooyinkiisa Muhiimka ah

• Falsafadda Siyaasadda: Buuggiisa "Mabadi' ahl al-madina al-fadilah" (Mabda'a Bulsho Faa'iido-Qabta) wuxuu ku sharaxayaa fikradda "caasimadda ku habboon" ama "maamulka wanaagsan" oo uu la mid dhigay fikradihii Plato

• Falsafadda iyo Caqliga: Al-Farabi wuxuu isku daray fikradaha falsafada Giriigga (gaar ahaan Aristotle) iyo diinta Islaamka

Saamayntiisa: Waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta falsafada Islaamka, isagoo saameyn weyn ku yeeshay aqoonyahanno badan oo dambe oo ay ka mid yihiin Ibn Sina iyo Ibn Rushd


Ibn Rushd : Faylasoofkii Weynaa ee Spain 

Abul Walid Muxammad ibn Axmad ibn Rushd wuxuu dhashay 1126 M  malagalada (Qurdubi),ee dalka Spain wuxuuna geeriyooday 1198 M. Wuxuu ahaa faylasoof, dhakhtar, iyo qoraa. 

Shaqooyinkiisii Muhiimka ahaa 

• Falsafadda: Ibn Rushd wuxuu si weyn u faallooday shaqooyinkii Aristotle. Waxa uu ku doodayaa in falsafada iyo diintu ay isku xidhan yihiin, isagoo ku sharaxay buuggiisa "Fasl al-Maqal" (Go'aanka Maqaalka). 

• Cilmi-nafsiga: Waxa uu sharaxay fikrado muhiim ah oo ku saabsan nafta iyo caqliga. 

Saamayntiisa: Ibn Rushd wuxuu saameyn weyn ku yeeshay falsafada Yurub. Fikradihiisa waxay dhiirigeliyeen dhaqdhaqaaqyo badan oo dib u soo nooleynta falsafada ee Yurub


Al-Ghazali: Faylasoofkii iyo Cilmiga Islaamka 

Abuu Xaamid Muxammad ibn Muxammad al-Ghazali wuxuu dhashay 1058 M wuxùu ku dhashay magalada Tus, ee dalka Iran wuxuuna geeriyooday 1111 M. Wuxuu ahaa faylasoof, cilmiga Islaamka, iyo suufi. 

Shaqooyinkiisa Muhiimka ah

• "Ihya' 'ulum al-Din" (Nolosha Cilmiga Diinta): Kani waa buuggiisa ugu caansan oo uu ku faahfaahiyay mabda'a diinta Islaamka, falsafada, iyo suufiyada. 

• "Tahafut al-Falasifa" (Burburkii Faylasoofka): Buuggan wuxuu ku dhaliilayaa fikradaha faylasoofkii hore, isagoo ku doodaya in ay ka soo horjeedaan caqiidada Islaamka.

Qisada Al-Ghazali iyo Xanuunkii Nafsiyeed 

Al-Ghazali, oo loo yaqaannay "Hujjatul Islaam" (Caddeynta Islaamka), waxa uu ahaa nin caan ah oo cilmi badan. Nolosha inta badan wuxuu ku soo qaatay baridda cilmiga, akhrinta, iyo qorista buugaagta. Laakiin qisadiisa ugu caansan ee nafsad ahaaneed waxay ahayd mid u muujinaysa xanuunkii ku dhacay iyo isbedelkii weynaa ee uu sameeyay. 

Xanuunkii iyo Murugadii 

Wuxuu ahaa macalin caan ah oo wax ka dhiga dugsiga Niẓāmiyyah ee magaalada Baqdaad. Xiligaas oo ahaa xiligii uu ahaa mid ka mid ah dadka ugu cilmiga badan adduunka. Dad badan ayaa u imaan jiray si ay wax uga bartaan. Laakiin Al-Ghazali wuxuu dareemay inuu la ildaran yahay xanuun nafsadeed. Wuxuu bilaabay inuu shakiyo cilmiga uu baranayo iyo ujeedada noloshiisa. Wuxuu dareemay in uu iska dhigayo qof ka duwan waxa uu yahay, isagoo cilmi iyo sharaf doonaya, halkii uu Alle dartiis wax u qaban lahaa. 

Murugadii iyo shaki badan ayaa ku batay, wuxuuna ku dhacay xanuun dhinac walba ah. Cuntadii iyo cabitankii wuu diiday. Hadalka iyo waxbaridda wuu ka tagay, afka ayaa qallalay oo waxba ma cunin. Xaaladdiisa ayaa aad u xumaatay ilaa uu gaadhay heer uu dhakhaatiirtu sheegeen inuu si fiican u caafimaad qabi karin, haddii aanu ka gudbin xanuunka nafsiga ah. 

Safar Iyo Isbedel 

Al-Ghazali wuxuu go'aansaday inuu ka tago dhammaan wixii uu haystay. Wuxuu iska tuuray sharafkii iyo hodantinimadii. Wuxuu ka tagay jagadii macalinimada ee Baqdaad, wuxuuna bilaabay safar dheer. Wuxuu socdaal ku aaday meelo kala duwan sida Shaam (Syria), Falastiin, iyo Xijaz. Safarkiisa wuxuu ahaa mid lagu raadinayo xaqiiqda. Wuxuu ku qaatay 10 sano oo uu ka guurayey meel ilaa meel kale, isagoo ka fakaraya, cibaadeysanaya, iyo naftiisa xisaabinaya. 

Wuxuu intaasba ku jiray inuu la soo baxay xalkii nafsadiisa. Wuxuu ogaaday in aqoonta dhabta ah aysan ahayn buugaagta kaliya, balse ay ku jirto khibrad ruuxi ah iyo ficil dhab ah. 

Soo Noqod iyo Qoraal 

Kadib 10 sano oo uu noloshiisa wax ka bedelay, ayuu ku soo laabtay dhulkii Iran. Wuxuu markaas bilaabay inuu qoro buugaagtiisa ugu muhiimsan, oo uu ku jiray "Ihya' 'ulum al-Din" (Nolosha Cilmiga Diinta). Buuggan wuxuu ku sharaxayaa sida loo mideeyo cilmiga diinta ee sharciga ah (fiqiga) iyo cilmiga ruuxiga ah (tasawufka)

Qisadan waxay muujineysaa in Al-Ghazali aanu ahayn oo kaliya aqoonyahan weyn, balse uu ahaa qof la tacaalay xaalado adag oo nafsadeed. Waxay muujineysaa in sharafta iyo hodantinimada aysan ahayn waxa nafta dejinaya, balse ay tahay xaqiiqada dhabta ah iyo in la helo ujeedadii noloshiisa

Saamayntiisa: Al-Ghazali wuxuu ahaa mid ka mid ah aqoonyahannada ugu saamaynta badan ee taariikhda Islaamka. Waxa uu ahaa kii dib u soo nooleeyay cilmiga diinta, isagoo isku xidhay diinta iyo falsafada. 

Ibn Taymiyyah: Dib-u-soo-nooleeyaha Islaamka 

Taqi al-Din Abul 'Abbas Axmad ibn 'Abd al-Xalim ibn Taymiyyah wuxuu dhashay 1263 M wuxuu ku dhashay magalada Harran, ee dalka Turkiga wuxuuna geeriyooday 1328 M. Wuxuu ahaa fiqhi, mufassir, iyo aqoonyahan. 


Shaqooyinkiisa Muhiimka ah

• "Al-Siyasa al-Shar'iyya" (Siyaasadda Sharciga): Buuggan wuxuu ku sharaxayaa mabda'a maamulka iyo siyaasadda ee sharciga Islaamka ku salaysan. 

• Cilmi-baarista Islaamka: Ibn Taymiyyah wuxuu u doodayaa in dib loogu laabto ilaha aasaasiga ah ee diinta (Quraanka iyo Sunnada), isagoo diidaya waxyaabaha ku cusub ee aan sharciga waafaqsanayn. 


Saamayntiisa: Ibn Taymiyyah wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyo badan oo dib u soo nooleynta Islaamka, gaar ahaan dhaqdhaqaaqa Salafiyada iyo Wahabiyada. Waxa uu ku doodaa in la iska daayo ku dayashada dariiqooyinka iyo fikradaha aan ku salaysnayn manhajka asalka ah ee diinta. 

Call to actio

Ma jiraan shaqsiyaad kale oo aad doonayso inaan kaaga sheekeeyo ama mid ka mid ah kuwan oo aad doonayso faahfaahin dheeraad ah


Previous Post Next Post