Magaalooyinka ugu qaddiimsan caalamka



Hordhac

Dhinacyo badan oo adduunka ah, waxaa ka jira magaalooyin aan ahayn goobo la deggen yahay oo kaliya, balse ah goobo taariikhda lafteeda ah. Waa meelo marag ka ah horumarka iyo isbeddelka bani'aadamka, laga soo bilaabo xadaaradihii hore illaa maanta. Maqaalkan, waxaan ku dhex mari doonnaa taariikhda qaar ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimsan caalamka, anagoo eegayna magacyadii ay soo mareen, marxaladihii ay ka soo gudbeen, iyo boqorradii qaar ka mid ah.

 1 Luxor / Thebes (Masar)

 Magacyadii Hore: Luxor, oo hadda loo yaqaanno magaca Carabiga ah ee macnihiisu yahay “Qasriyada,” waxaa hore loo oran jiray Thebes xilligii Giriigga. Masriyiintii hore waxay ugu yeeri jireen Waset ama Nuwa, taas oo ka dhigaysa magaca labaad ee ugu da'da weyn caalamka. Magaaladan waxay ahayd caasimadda Boqortooyadii Cusub ee Masar (qiyaastii 1550-1070 BC), waxayna ahayd xarun ganacsi iyo diimeed oo aad muhiim u ah. Boqorradii Caanka Ahayd: Thebes waxa ay ahayd xaruntii boqorro badan oo caan ah, sida Ramses-kii 2aad iyo Tutenkhamun. Boqorradaas waxay dhiseen macbadyo waaweyn oo wali taagan maanta, sida Karnak Temple iyo Luxor Temple.

Qisooyinka iyo Dhacdooyinkii Ka Dhacay Luxor/Thebes Luxor, oo ahayd caasimaddii Boqortooyadii Cusub ee Masar (qiyaastii 1550-1070 BC), waxay ahayd xarun ganacsi, siyaasad, iyo diin oo aad muhiim u ah. Waa meel ay ka dhaceen dhacdooyin badan oo taariikhi ah oo saameyn ku yeeshay xadaaradda Masar Sheekada Boqor Ramses-kii 2aad iyo Karnak Temple: Macbadka Karnak, oo ah mid ka mid ah macbadyada ugu waaweyn adduunka, wuxuu ahaa xarunta diinta ee ilaaha Amun-Ra. Boqor Ramses-kii,2aad oo ahaa mid ka mid ah boqorradii ugu awoodda badnaa ee Masar, wuxuu macbadka ku kordhiyey dhismayaal waaweyn iyo tiirar dhaadheer oo muujinaya xooggiisa iyo maamulkiisa. Waxaa la sheegaa inuu dhisay macbadkan isagoo ujeedadiisu ahayd inuu muujiyo sharafka iyo awoodda uu u hayo ilaahyadiisa, isla mar ahaantaana uu ku xuso guulihii uu ka gaaray dagaalladii uu la galay dadka Hitit-ka

Caasimaddii Ilaahyada iyo Fircoonada: Thebes waxay ahayd meel ay ku xidhan yihiin ilaahyada Masar, gaar ahaan Amun-Ra, oo ahaa ilaaha ugu weyn. Fircoonnada ayaa waxay ku qaban jireen xaflado waaweyn oo diimeed oo ay ku muujinayaan xiriirkooda ilaahyada. Waxay rumaysnaayeen in Thebes ay tahay meel ilaahyadu ku nool yihiin, taasoo ka dhigaysa mid muqaddas ah. Dhab ahaantii, Fircoonno badan ayaa doortay inay halkaas ku dhistaan qabuurahooda, oo loo yaqaanno Dooxada Boqorrada (Valley of the Kings)

Burburkii Thebes

Inkastoo Thebes ay lahayd taariikh dahab ah oo hodan ah, waxay sidoo kale soo martay burbur. Qarnigii 7aad BC, Ashuuriyaanka ayaa weeraray oo burburiyey magaalada. Tani waxay calaamad u ahayd dhamaadkii awooddii weynayd ee Thebes. Si kastaba ha ahaatee, magaaladu mar kale ayay soo kabatay, waxayna u soo wareegtay maamuladii Giriigga, Roomaanka, iyo Carabta, kuwaas oo dhammaantood ka tagay raadkooda 

2  Athens (Giriig) 

Magacyadii Hore: Caasimadda Giriigga, Athens, magaceeda asal ahaan wuxuu ka yimid ilaahadda caqliga iyo dagaalka, Athena. Sheekada caanka ah waxay sheegaysaa in magaalada loogu magac daray iyada kadib markii ay tartantay ilaaha badda Poseidon, oo ay ku guulaysatay. Boqorradii Caanka Ahayd: Athens ma ahayn magaalo ay boqorro maamulaan, balse waxay caan ku noqotay nidaamkii dimoqraadiyadda ee ay aasaastay. Siyaasiyiin caan ah sida Pericles waxay door weyn ka ciyaareen horumarinta magaalada intii lagu jiray qarnigii 5aad ee BC, taas oo keentay in Athens ay noqoto xarunta falsafadda, fanka, iyo sayniska

. Tartankii Athens iyo poseidon Magaalada Athens, oo ah caasimadda Giriigga, magaceedu wuxuu si toos ah uga yimid halyeeyadii hore ee Giriigga. Sheekada ugu caansan ee asal ahaan magaca magaalada waxay ku saabsan tahay tartan ka dhex dhacay laba ilaah oo awood badan: ilaahadda caqliga iyo dagaalka, Athena, iyo ilaaha badda, Poseidon

Qisooyinka iyo Dhacdooyinkii Taariikhda ee Athens 

Tartankii Athena iyo Poseidon: Dadkii deganaa magaaladan hore waxay rabeen inay doortaan ilaah ilaaliye u noqda. Waxay soo abaabuleen tartan, iyagoo sheegay in ilaaha babaaxda ka bixiyaa uu noqon doono ilaaliyaha magaalada, magaceedana loogu magac dari doono. Poseidon wuxuu isticmaalay seefkiisa sedexda gees leh (trident), wuxuuna ku garaacay dhulka, taasoo keentay inuu soo baxo il biyo ah. Dadku way ku farxeen, laakiin markii ay dhadhamiyeen, waxay ogaadeen in biyahaasi ay cusbo yihiin oo aanay la cabbi karin. Athena iyaduna waxay isticmaashay seefteeda, waxayna ku garaacday dhulka, taasoo ka soo saartay geed saytuun ah oo siinaya cuntada, saliidda, iyo alwaax. Dadkii waxay u arkeen hadiyadda Athena mid aad u qiimo badan oo waxtar leh, sidaas darteed waxay doorteen inay iyada noqoto ilaaliyaha magaalada. Sidaas darteed, magaaladii waxaa loogu magac daray Athens.  Dhalashadii Dimuqraadiyadda: Athens looma maamuli jirin si boqortooyo ah, laakiin waxay caan ku noqotay nidaamkii dimuqraadiyadda ee ay aasaastay qarnigii 5aad BC. Siyaasiyiin caan ah sida Pericles waxay door weyn ka ciyaareen horumarinta nidaamkan, taasoo awoodda siisay muwaadiniinta inay ka qayb qaataan go'aannada dawladda. Tani waxay ka dhigtay Athens xarun caalam ah oo horumarisa falsafadda, fanka, iyo sayniska

Weerarkii Faaris: Intii lagu jiray Dagaalladii Giriigga iyo Faaris, Athens waxay ciyaartay door muhiim ah. Sannadkii 480 BC, Ciidamadii Faaris ee uu hoggaaminayey Xerxes 1aaď ayaa gubay magaalada Athens. Laakiin Giriiggu kuma jabin, waxayse ku guuleysteen inay ka adkaadaan Faaris dagaalkii Salamis. Markii ay dib u soo noqdeen, Athenians waxay dib u dhiseen magaalada si ka qurux badan sidii hore, iyagoo dhisay macbadyo waaweyn sida Parthenon, kaasoo calaamad u noqday dhaqanka iyo awoodda Giriigga.Sheekooyinkan iyo dhacdooyinkan ayaa ah kuwii ka dhigay Athens mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee taariikhda aadanaha 

Faiyum (Masar

Magacyadii Hore: Magaalada Faiyum, oo ah xarunta gobolka Faiyum, waxaa waagii hore loo yaqaanay Shedet by Masriyiintii hore. Magaceeda macnihiisu wuxuu ahaa "Lake" ama "Badda" sababtoo ah harada weyn ee ay ku taal. Giriiggu waxay ugu yeereen Crocodilopolis ama "Magaalada Yaxaaska," sababtoo ah waxay ku caabudi jireen ilaahooda yaxaaska Sobek. Boqorradii Caanka Ahayd: Faiyum waxa ay la soo wareegtay marxalado kala duwan oo ay ka taliyeen boqorro Masri ah, Roomaan, iyo Carab. Mid ka mid ah boqoradii ugu caansanaa waa Kleopatra-tii 7aad, taasoo lahayd guryo ku yaal agagaarka harada Faiyum.Faiyum: qisooyinka iyo boqorradii ee masar ku xirna Faiyum waa magaalo ku taalla Masar oo leh taariikh aad u qoto dheer. Waxay caan ku tahay Harrada Qarun, oo ahayd isha biyaha ee ugu muhiimsan, taas oo dhalisay in ay noqoto meel ay u soo guuraan boqorro iyo dad caan ah, iyagoo doonaya inay ka dhistaan guryahooda. 

Qisadii Kleopatra iyo Faiyum: Boqoraddii caanka ahayd ee Masar, Kleopatra-

kiliyo'batra,-tii 7aad waxay si weyn u jecleyd gobolka Faiyum iyo haradiisa quruxda badan. Waxaa la sheegaa in ay gobolkan u aragtay meel ay ka nasato culeyska maamulka iyo siyaasadda ee ka jiray Alexandria, oo ahayd caasimaddeeda. Kleopatra waxay dhisi jirtay guryo iyo qasriyo qurux badan oo ku yaal hareeraha harada, iyadoo u isticmaali jirtay meel ay ku qaadato waqtigeeda firaaqada ah. Sidoo kale, markii ay booqashooyin ku iman jirtay Faiyum, waxaa loo qaban jiray xaflado waaweyn oo ay dadku ku soo dhaweynayaan. Waxay ku caan baxday inay xirato dharka Masriyiinta ee qadiimiga ah, taas oo muujineysa ixtiraamkeeda dhaqanka Masar, inkasta oo ay asal ahaan ka soo jeedday Giriig

Faiyum iyo Faraaciintii Hore: Xilligii boqortooyooyinkii hore ee Masar,

 gobolka Faiyum wuxuu ahaa meel muhiim u ah beeraha iyo kaluumeysiga, waana sababta ay faraaciintu ugu dhisaan mashaariic waaweyn oo waraab ah. Amenemhat-kii 3aad, oo ahaa fircoon ka mid ah Fircoonnadii Boqortooyadii Dhexe, ayaa door weyn ka ciyaaray horumarinta Faiyum. Wuxuu dhisay biyo-xireenno iyo waddooyin biyaha ah si uu u kontoroolo harada, taasoo ka dhigtay gobolka mid hodan ku ah beeraha. Waxaa la rumeysan yahay inuu si weyn u dhiirigeliyay dadka inay deggenaadaan gobolka, isagoo u ballanqaaday dhul bacrin ah iyo fursado ganacsi oo badan. Muuqaallada Taariikhiga ah ee Faiyum

Magaalada Faiyum maanta waxay hoy u tahay waxyaabo taariikhi ah oo cajiib ah, sida:  Sawirrada Mummy-ga ee Faiyum: Kuwani waa sawirro qurux badan oo lagu sawiray wejiyada dadka meydka ah, kuwaas oo la aamino in ay ka mid yihiin farshaxankii ugu horreeyay ee Roomaanka ee Masar ka soo baxay.  Tuulooyinkii hore: Agagaarka magaalada waxaa ku yaal tuulooyin qadiimi ah oo muujinaya inay hore u jireen magaalooyin dadku deggen yahay. Faiyum waxay xusuusinaysaa taariikhdii hodanka ahayd ee Masar, gaar ahaan xilliyadii kala duwanaa ee ay soo martay, iyo sida boqorrada iyo maamulayaashii u isticmaali jireen si ay u hormariyaan gobalkan

  4 Sidon (Lebanon)

Magacyadii Hore: Magaalada Sidon, oo maanta loo yaqaano Saida, waxay ka mid tahay magaalooyinkii ugu muhiimsanaa ee Finiiqiyiinta. Magaceeda wuxuu ka yimid ereyga "Sayd" oo macnihiisu yahay "Kalluun," maadaama ay ahayd xarun kalluumeysi iyo ganacsi. Boqorradii Caanka Ahayd: Sidon waxay lahayd boqorro badan oo Finiiqiyiin ah, kuwaas oo si joogto ah u ganacsan jiray xadaaradihii kale, sida Masar iyo Giriigga. Waxay ahayd magaalo aad u hodan ah,  la rumeysan yahay inay ka mid ahayd meelihii ugu horeeyay ee ganacsiga ee badda Mediterranean-ka.

Taariikhda Maamulka Sidon 

waxay ahayd xarun ganacsi iyo ganacsi oo aad u weyn, waxaana maamulayay boqorro u gaar ah. Waxay lahayd maraakiib ganacsi oo gaadhay meelo fogfog sida Spain iyo Waqooyiga Afrika.  Boqortooyooyinkii Roomaanka, Gariiga, iyo Faaris: Ka dib markii ay hoos u dhacday awooddii Phoenician-ka

Sidon waxaa la wareegay boqortooyooyin waaweyn oo isku xigeen, sida Roomaanka iyo Gariiga

Waxay u adeegsatay meel istiraatiijiyad u leh xukunka gobolka. Islaamka: Qarnigii 7-aad, Sidon waxay hoos gashay maamulkii Islaamka. Waxay noqotay qayb ka mid ah khilaafooyinkii Islaamka ee kala duwanaa, sida Umawiyyadda iyo Cabaasiyiinta. Crusader-kii: Xilliyadii Dagaalladii Salibiga (Crusades), Sidon waxaa qabsaday ciidammadii reer Yurub ee Crusader-ka, waxaana la dhisay qalcado waaweyn oo ay ilaa hadda taagan yihiin, sida Qalcad-badeedda (Sea Castle). Boqortooyadii Cusmaaniyiinta: Sida inta badan gobolkaas, Sidon waxay qayb ka noqotay Boqortooyadii weyneyd ee Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire) dhowr qarni.

 Sheekooyinka iyo Qisooyinka Caanka ahQisada Ugaadhsiga Badda: Dadka reer Sidon waxay caan ku ahaayeen kalluumeysiga badda. Waxay leeyihiin sheekooyin ku saabsan sida ay u ugaadhsan jireen nooc ka mid ah qolofleyda badda oo laga sameeyo midabka guduudan (Tyrian purple dye). Midabkaas wuxuu ahaa mid aad u qaali ah oo ay xiran jireen boqorrada iyo dadka sharafta leh, waxaana la dhoofin jiray adduunka oo dhan. Qalcadda Badda: Qalcaddan oo hadda taagan waxaa la dhisay xilligii Crusader-ka. Waxaa la sheegaa in loo dhisay si ay u ilaaliso dekeda oo ay uga hortagto weerarrada dhanka badda ka yimaada. Waa meel dalxiis oo caan ah oo dadka booqda ay arki karaan sida ay magaaladu u dhowdahay badda. Sidon waxay hadda tahay magaalo firfircoon oo muujinaysa isku-dhafka taariikhda qadiimiga ah iyo nolosha casriga ah. Waddooyinkeeda cidhiidhiga ah, suuqyadeeda qadiimiga ah, iyo goobaheeda taariikhiga ah ayaa ka dhigaya meel xiiso badan oo taariikhdu ku lammaan tahay.

5 Susa/shusha (Iraan)

Magacyadii Hore: Magaaladan, oo hadda loo yaqaanno Shush, waxay ahayd caasimaddii Boqortooyadii Elamite ee hore. Magaceeda asal ahaan wuxuu ahaa Susa.Boqorradii Caanka Ahayd: Susa waxay ka mid ahayd magaalooyinkii ay gacanta ku hayeen Boqortooyadii Faaris ee Achaemenid, waxaana ka talin jiray boqorro sida Daarius 1aad  iyo Xerxes 1aad. Waa magaalada lagu xusay Kitaabka Quduuska ah. 

Taariikhda Maamulka Susa 

Susa waxay ahayd magaalo si joogto ah loo degganaa muddo ka badan 6,000 oo sano. Waxaa soo maamulayay boqortooyooyin iyo ilbaxnimooyin kala duwan oo isku bad-badalayay. Ilbaxnimadii Elamite: Tani waa xilligii ugu horreeyay ee taariikhda Susa. Magaaladu waxay ahayd caasimaddii Boqortooyadii Elamite (qiyaastii 4000-640 BC), oo ahayd ilbaxnimo qadiimi ah oo xoog badan. Waxay la dagaallami jireen Sumerians iyo Baabylonian-ka. Boqortooyadii Acamenid (Faaris-kii Hore): Xilligii ugu dahabiga ahaa ee Susa waxay ahayd markii ay caasimad u noqotay Boqortooyadii Achaemenid (Faaris-kii Hore). Boqor Darius 1aad ayaa Susa ka dhigay caasimad, waxaana uu halkaas ka dhisay qasriga weyn ee Apadana, oo ahaa mid ka mid ah dhismayaasha ugu quruxda badan wakhtigaas. Susa waxay ahayd xarunta maamulka iyo goob ganacsi oo aad muhiim u ahayd. 

 Boqortooyadii Seleucid iyo Parthian: Ka dib markii uu la wareegay Aleksandar 7aad (Alexander the Great), Susa waxay hoos gashay maamul Gariig ah, ka dibna Boqortooyadii Parthian. Inkastoo ay weli ahayd magaalo muhiim ah, ma ay gaadhin darajadii ay lahayd xilligii Achaemenid. Boqortooyadii Sasaniid: Susa waxay qayb ka noqotay Boqortooyadii Sasanian, oo ahayd boqortooyadii ugu dambaysay ee Faaris-kii hore. 

 Islaamka: Susa waxaa la qabsaday xilligii ay xoogaysteen ciidamadii Islaamka ee furashooyinka waday qarnigii 7aad, gaar ahaan xilligii Khaliifadii Cumar ibn al-Khattaab (RC)buu Muusa al-Ashcari: Waa saxaabi caan ah oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu waaweynaa ee furashooyinka Islaamka ee dalka Faaris. Wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay qabsashada gobolo badan oo ka mid ah Khuzestan, oo ay Susa ku taallo. 

Al-Muqiirah ibn Shu'bah: Isna wuxuu ahaa saxaabi iyo hoggaamiye caan ah. Waxa uu ka mid ahaa kuwa ka qayb galay furashooyinkii dalka Faaris

Magaalada Susa waxaa la qabsaday sanadkii 17 Hijriyada (qiyaastii 638-639 Miilaadiyada). Markii ay ciidamadii Islaamka galeen, waxay heleen magaalada oo ka buuxa xoolo iyo alaabo qaali ah, waxayna la wareegeen maamulka magaalada si nabad ah.qofka keliya ee calanka Islaamka ka taagay Susa, hoggaamiyihii guud ee howlgalka gobolkaas wuxuu ahaa Abuu Muusa al-Ashcari

Sheekooyinka iyo Qisooyinka Caanka ah 

Qisadii Estar (Esther): Susa waxay si gaar ah caan u tahay doorka ay ku leedahay qisada Boqorad Estar oo ku jirta kitaabka Baybalka. Waxaa la aaminsan yahay in qisada Estar ay ka dhacday Susa, iyadoo Estar ay guursatay boqor Faarisi ah oo la yiraahdo Ahasuerus (oo loo garan og yahay Xerxes 1aad , ayna badbaadisay dadkeeda Yahuudda ah.   Boqor Darius 1aad: Sheekada dhismaha qasrigiisa Apadana waa mid aad u xiiso badan. Waxaa la sheegaa in boqorku uu ka keenay waxyaabo kala duwan oo qurxin ah dhulal fogfog si loo dhiso qasriga, oo muujinayay awoodda iyo baaxadda boqortooyadiisa. Waxaa halkaas laga helay tiirar aad u waaweyn oo ka samaysan dhagaxyo, oo ilaa hadda taagan. Maanta, goobta Susa waxay soo jiidataa dalxiisayaasha taariikhda jecel, oo booqda burburkii qasriyadii hore, qabriyada boqorrada Elamite, iyo qalcadda Susa, oo ah mid Faransiisku dhisay qarnigii 19-aad. Waa magaalo isku-dhafan oo taariikh badan iyo dhaqan qadiimi ah leh.

6. Damascus/Dimishiq (Suuriya)

Magacyadii Hore: Caasimadda Syria, Damascus, /dimishiq waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu da'da weyn ee weli si joogto ah loo deggen yahay. Magaceeda waxay asal ahaan ku macneeyeen “Dhulka Biyaha Badan,” taasoo ka tarjumaysa muhiimadda biyaha ee magaalada.

Boqorradii ay Caanka ku Ahayd: Dimishiq waxaa ka mid  ahaa caasimadda Boqortooyadii Umawiyya ee Islaamka, oo ka mid ahayd boqortooyooyinkii ugu waaweynaa ee adduunka soo maray. Waxaa ka talin jiray khaliifooyin caan ah sida Muawiyah ibn Abi Sufyan iyo Abdulmalik ibn Marwan.

Dimishiq xiligii Islaamka ka hor 

Intii aan Islaamka la gaarin, Dimishiq waxay ahayd magaalo aad u muhiim ah oo ka tirsanayd Boqortooyadii Roomaanka. Waxay ahayd xarun ganacsi iyo mid diimeed. Dadkeedu waxay u badnaayeen Masiixiyiin, waxaana ku yiil kaniisado badan oo qadiimi ah. Mid ka mid ah taariikhda xusidda mudan ee waqtigaas waa kaniisadda weyn ee St. John the Baptist. Kaniisaddan ayaa loo dhisay sidii macbadkii hore ee Jupiter ee Roomaanka, ka dibna waxaa loo bedelay kaniisad weyn oo Masiixiyiinta ah. 

Dimishiq xiligii Islaamka Markii Islaamku yimid, Dimishiq waxaa la furtay sannadkii 636-kii, intii lagu jiray khilaafadii Cumar ibn al-Khattab. Islaamku wuxuu si tartiib ah ugu fiday magaalada. Dhacdo muhiim ah oo ka dhacday Dimishiq xilligii Islaamka waa dhisidda masaajidka weyn ee Umawiyya Masaajidkan waxaa la dhisay bartamihii qarnigii 8-aad, wuxuuna ku yaal goobtii ay kaniisadda St. John the Baptist ku taallay. Taariikhda masaajidkan weyn waxaa la sheegaa inuu dhismihiisa bilaabay Al-Waliid ibn Cabdil-Malik, isagoo u bedelay goobtii ay hore ugu lahayd kaniisadaha Masiixiyiinta. Qayb ka mid ah kaniisadda ayaa waxaa loo daayay Masiixiyiinta, si ay ugu cibaadeystaan. Dimishiq waxay noqotay caasimadii Boqortooyadii Umawiyyiinta, xilligaas oo Islaamku gaaray meelo badan oo ka mid ah caalamka. Magaaladu waxay u noqotay xarun cilmi iyo ganacsi. Waxaa ka dhisnaa maktabado, jaamacado, iyo suuqyo. 

Qisooyinka kale ee caanka ah ee la xiriira magaalada waxaa ka mid ah

 Jariir ibn Cabdullaahi al-Bajali: Waa saxaabi ka mid ah saxaabada, waxaana la sheegaa inuu ahaa saxaabigii ugu horeeyey ee gala Dimishiq isagoo Islaam ah.  Caasimaddii Umawiyyada: Dimishiq waxa ay ahayd xarunta awoodda Boqortooyadii Umawiyyada muddo ku dhow 90 sano.

7. Jericho/Ariha (Falastiin) 

Jericho waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu da'da weyn adduunka ee weli la deggenaado, iyadoo taariikhdeedu dib ugu noqonayso illaa 10,000 oo sano ka hor. Waxay ku taallaa Daanta Galbeed ee Falastiin, waxayna caan ku tahay inay ahayd meeshii ugu horreysay ee la helo gidaarada iyo qalcado horumarsan xilligii Neolithic-ka

Marxaladihii Taariikhda

 Neolithic: Dadkii ugu horreeyay waxay bilaabeen inay deggenaadaan Jericho waqti hore, iyagoo dhisay gidaarada ku wareegsan magaalada. Tani waxay muujinaysaa horumarka weyn ee bulshada ee xilligaas.Xilliyadii Dambe: Magaaladu waxay hoos tagtay boqortooyooyin iyo xadaarado kala duwan, oo ay ka mid yihiin Roomaanka, Carabta, iyo Cismaaniyiinta. Maanta, waxay muhiim u tahay dalxiisayaasha taariikhda jecel Taariikhda Diinta: Jericho waxay si weyn ugu xusan tahay kitaabka Quduuska ah, iyadoo sheekada

.Qisada Jericho (oo Carabi ahaan loo yaqaano Ariha ama Ariixa) waa mid soo jireen ah oo xiriir la leh diimaha Ibraahimiga ah, sida Yahuudiyadda, Kiristaanka, iyo Islaamka. 

Ariha islamka ka hor Qisada ugu caansan ee Ariha ka hor intii ayna imaanin Islaamka waxay ka sheekaynaysaa Nebi Yuushac bin Nuun (Yusuf), oo ah ardaygii Nebi Muuse (Moses). Qisadan waxaa laga helaa kitaabka Yahuudda iyo kan Kiristaanka ee loo yaqaano "Book of Joshua". 

Jubbadaha Ariha: Wuxuu Ilaahay faray Nebi Yuushac inuu weeraro magaalada Ariha oo ahayd magaaladii ugu horreysay ee ay yimaadaan markii ay ka gudbeen webiga Jordan. Magaalada waxaa ku wareegsanaa derbi aad u adag oo cidna aanay geli karin. 

Amarkii Ilaahay: Ilaahay wuxuu siiyay Yuushac amar gaar ah oo aan ahayn dagaal toos ah. Wuxuu yiri, "Maalin kasta, hal jeer magaalada hareeraha ka wareega, adiga iyo ciidankaaga. Laakiin maalinta todobaad, toddoba jeer oo dhan wareega, adigoo sacabka tumaya oo buunka garaacaya"  Dumiddii Darbiga: Sidii uu Ilaahay faray, maalintii toddobaad markay buunkii ku dhawaqeen buunanka iyo qaylada ciidanka awgeed, wuxuu darbigii Ariha ku dumay dhulka. Waxayna ciidankii Yuushac si fudud ku qabsadeen magaaladii. Qisadani waxay muujinaysaa awoodda Ilaahay iyo mucjisada uu u soo dejiyay Nebi Yuushac

Ariha Islaamka dhexdiisa 

Inkastoo qisada Yuushac iyo Ariha aan si faahfaahsan looga xusin Quraanka, qisadan waa mid ay culimada Islaamka ka soo qaataan ilo Islaami ah oo ay ku sheegaan. Muuqaalka Culimada Islaamka: Qaar ka mid ah culimada tafsiirka, sida Ibnu Kathiir, waxay qorreen sheekadan, iyagoo ku sheegay inay la xiriirto qisada Banii Israaiil. Waxay qireen in qisadan ay ka timid ilo Yahuudi ah oo la xiriira qisadii Yuushac bin Nuun iyo xilligii ay ku jireen "Maqaam-al-tihi" ama "Saxaraha Tihi". Mucaaradnimo ama Mawqif: Culimada qaar ayaa ku sheegay in sheekadan aysan si toos ah uga timid Quraanka ama Xadiiska, laakiin ay tahay mid ay culimadii hore ka soo guuriyeen. Si kastaba ha ahaatee, qisadu waxay la mid tahay qisadaas ka hor Islaamka, taasoo ah in Ilaahay uu awood gaar ah siiyay Nebi Yuushac si uu u qabsado magaalada. 

Marka la soo koobo, qisada Jericho (Ariha) waa mid taariikhi ah oo xiriir la leh Nebi Yuushac bin Nuun. Inkastoo diimaha Ibraahimiga ah ay dhamaantood ka hadlaan, qisada ugu faahfaahsan waxaa laga helaa ilaha Yahuudiga iyo Kiristaanka. Islaamka dhexdiisa, waa sheeko lagu xuso qoraalada culimada Islaamka, laakiin si toos ah loogama helo qoraalada aasaasiga ah ee diinta Islaamka.

8 Byblos (Labanon) 

Byblos (maanta loo yaqaan Jbeil) waxay ka mid ahayd magaalooyinkii ugu muhiimsanaa ee Finiiqiyiinta. Waxay ku taallaa xeebta Badda Mediterranean-ka, waxaana la aasaasay qiyaastii 7,000 oo sano ka hor. Magaaladan ayaa ahayd xarun ganacsi oo isku xidha Masar, Giriig, iyo Baabuloon

Waxyaabaha Lagu Xasuusto

Waraaqda: Magaca Byblos wuxuu ka yimid Giriigga, oo macnihiisu yahay "waraaq" ama "buug," sababtoo ah waxay ahayd xarunta ganacsiga waraaqda (papyrus) ee loo dhoofin jiray Giriigga iyo meelo kale. Alfabeetka Finiiqiyiinta: Byblos waxay door weyn ka ciyaartay horumarinta Alfabeetka Finiiqiyiinta, oo ah aasaaska Alfabeetka casriga ah ee adduunka. Ganacsi: Waxay la ganacsan jirtay boqortooyadii Masar ee hore, iyagoo ka iibsan jiray alwaaxda oo loo adeegsan jiray dhismaha macbadyada. Byblos, oo hadda loo yaqaan Jbeil, ma aysan ahayn magaalo Giriig ah, balse waxay ahayd magaalo qadiimi ah oo ku taal xeebta dalka ee maanta loo yaa lubnaan Waxay ahayd xarun ganacsi oo aad u muhiim ah, gaar ahaan xilliyadii hore. 

Giriiggu ayay ka barteen farta

Giriiggu farta waxay ka barteen Finiishiyaanka. (Phoenician) finiqiyiintu Waxay lahaayeen xiriir ganacsi oo ballaaran, taasoo keentay isdhaafsi dhaqameed. Finiishiyaanka waxay lahaayeen hab qoris (alphabet) oo ku salaysan shaqalo, oo ka duwan farihii hore ee u baahnaa in la qoro kelmad kasta ama fikrad kasta. Giriiggu waxay qaateen hab qoriskii Finiishiyaanka, laakiin waxay ku dareen shaqalo (vowels), taasoo ka dhigtay mid ka sii dhameystiran oo sahlan in la isticmaalo. 

Finiishiyaanku yay ahaayeen

Finiishiyaanku waxay ahaayeen dad qadiimi ah oo ku noolaa meelaha xeebaha ee maanta loo yaqaano Suuriya, Lubnaan iyo Falastiin. Waxay ahaayeen ganacsato iyo maraakiib-dhoofiyaal caan ah. Waxay sameeyeen shabakad ganacsi oo aad u ballaaran oo ka shaqeyn jirtay meelo badan oo Badda Mediterranean ah. Waxay lahaayeen magaalooyin muhiim ah sida Byblos, Tyre, iyo Sidon

Waxaa lagu xusuustaa laba arrimood oo waaweyn: 

Farta alifbeetka: Waxay sameeyeen nidaamka qorista alifbeetka (alphabet) ee aasaaska u noqday luqado badan oo dunida ah, oo ay ku jiraan Giriiga, Roomaanka, iyo xitaa Carabiga. Ganacsiga badda: Waxay ahaayeen safarayaal baddan oo xirfad leh, kuwaasoo geeyey ganacsiga iyo dhaqankooda meelo badan. Marka la soo koobo, Byblos ma ahayn magaalo Giriig ah, laakiin waxay ahayd xarun ganacsi oo muhiim ah oo Finiishiyaanka ay lahaayeen, halkaasoo Giriiggu ay ka barteen farta alifbeetka oo ay si ballaaran u bedeleen. 

9 Aleppo/Halap(Suuriya)

Aleppo waxay ku taallaa woqooyiga Suuriya, waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu da'da weyn ee si joogto ah loo deggen yahay. Waxaa la deggenaa 5,000 oo sano ka hor, waxayna ahayd xarun ganacsi oo muhiim ah. 

Muhiimadda Taariikhdeeda

Jidka Xariirta: xalab waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ku taal Jidka Xariirta (Silk Road), taasoo ka dhigtay xarun ganacsi oo isku xirta Bariga Dhexe iyo Aasiya. Boqortooyooyinkii Hore: Waxay hoos tagtay boqortooyooyin badan, sida Boqortooyadii Hitit, Roomaan, iyo Cismaaniyiinta.

Aleppo/Halab oo ku taal waqooyiga  suuriya, waxay leedahay taariikh dheer oo hodan ah oo ay soo martay ilbaxnimooyin kala duwan. Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu da'da weyn dunida ee weli la deggan yahay, waxaana la sheegay in ay bilawday inay deggan tahay ilaa 5,000 BC

Xilligii Hitit (Ilaa 1600 BC

Aleppo waxa loo yaqaanay Halab ama Halap xilligii ay ku jireen boqortooyadii Hitit. Wakhtigan, magaaladu waxay ahayd xarun ganacsi oo muhiim ah, waxayna ku taallay waddada ganacsiga ee xariirta (Silk Road). Hitit-ku waxay magaalada ka dhigeen goob muhiim ah oo ay ku ilaashadaan xudduudahooda, waxayna ahayd meel ay ku dagaalamaan boqortooyada Mitanni. Ugu dambayntii, Hitit-ku waxay gacanta ku dhigeen magaalada oo ay dumiyeen boqortooyadii Mitanni, laakiin magaaladu waxay ahayd mid si joogto ah u horumaraysa. 

Xilligii Roomaan (64 BC - 330 AD

Markii ay Roomaan-ku qabsadeen Suuriya 64 BC, xalab waxay noqotay qayb ka mid ah boqortooyadii Roomaan, waxaana loo yaqaanay Beroea. Roomaan-ku waxay magaalada ka dhiseen waddooyin waaweyn iyo dhismayaal caan ah, iyagoo ka dhigay xarun ganacsi oo aad u firfircoon. Magaaladu waxay xiriir adag la lahayd magaalooyinka kale ee boqortooyada, taas oo ka caawisay inay noqoto meel uu ganacsigu ku kobco. 

Xilligii Cusmaaniyiinta (1516 - 1918) 

Xilligii boqortooyadii Cusmaaniyiinta, halap waxay mar kale noqotay mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Bariga Dhexe. Waxay ahayd xarun weyn oo ganacsiga xariirta iyo suufka ah. Ganacsatada Yurub waxay u safri jireen Aleppo si ay uga ganacsadaan, waxaana laga dhisay hoyyo (Khans ama Caravanserais) ay degaan ganacsatadu. 

Xilligii Cusmaaniyiinta, magaalada waxaa laga dhisay masaajiddo, suuqyo, iyo dhismayaal kale oo ilaa maantadan la yaab leh. Magaaladu waxay la kulantay horumar weyn, dadkeeduna wuu kordhay. Si kastaba ha ahaatee, xilligii dambe ee boqortooyada Cusmaaniyiinta, magaaladu waxay hoos u dhacday sababo la xiriira isbeddelada siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka dhacay adduunka. 

Sidaas darteed, Aleppo/xalab waxa ay soo martay heerar kala duwan oo horumar iyo isbeddel ah, mid walbana wuxuu kaga tagay raad taariikheed oo aan la illoobi karin.        Dhaqanka: Magaalada waxay caan ku ahayd suuqyadeeda qadiimiga ah (Souqs) iyo qalcaddeeda weyn ee Citadel of Aleppo,xalab oo ka markhaati kacaysa taariikhda hodanka ah ee magaalada 

10 Argos (Giriig) 

Argos waxay ku taallaa gobolka Peloponnese ee Giriigga. Waa magaalo taariikh dheer leh oo xiriir la leh sheekooyinka Greek-ga, waxaana la rumeysan yahay in la aasaasay 7,000 oo sano ka hor. 

Taariikhda iyo Dhaqanka

Halyeeyadii Hore: Waxay caan ku ahayd inay ahayd magaaladii ay ka yimaadeen halyeeyo caan ah sida Perseus iyo Heracles.  Tartankii Sparta: Argos waxay ahayd magaaladii ugu awoodda badnayd gobolka Peloponnese ka hor inta aysan soo bixin Sparta. Waxay si joogto ah ula dagaallami jirtay Sparta si ay ugu tartamaan hoggaanka gobolka. Fanka iyo Dhismaha: Dhismaha caanka ah ee loo yaqaano Argolic Heraion wuxuu ahaa mid ka mid ah macbadyada ugu muhiimsan ee ilaahadda Hera, oo ay ku yaallaan tiro badan oo sawirro iyo taallooyin farshaxan ah. 

Argos xiligii Giriiga Hore 

Argos waa mid ka mid ah magaalooyinkii ugu faca weynaa ee Giriigii hore. Waxay caan ku ahayd geesiyaal iyo halyeeyo badan oo ku xusan buugaagta Giriigga, sida:  Argos iyo Heracles (Hercules): Qisada Heracles waxay si gaar ah ugu xidhan tahay magaaladan. Waxaa la sheegaa inuu halkaas ku soo maray tijaabooyin adag oo uu boqorka Eurystheus ugu diray  Argos iyo Argonauts: Qaar ka mid ah geesiyaashii doonida Argonauts saarnaa waxay ka soo jeedeen Argos. Waxay caan ku yihiin safarkoodii dheeraa ee ay ku raadinayeen 'Golden Fleece' (Dahabka Laxda). Magaaladani waxay xarun u ahayd ilbaxnimadii hore ee Giriiga, gaar ahaan xilligii Mycenaean. Waxay door muhiim ah ka ciyaartay dagaalkii Trojan-ka iyo dagaallo kale oo badan. 

Argos xilligii Islaamka 

Inkastoo Argos ay tahay magaalo Giriig ah, taariikhdeedu waxay isku xidhan tahay xilliyaal kala duwan, oo ay ku jirto xilligii Qabsashadii Carabta ee Crete: Qarnigii 9aad, Carabta Andalusiya ayaa qabsaday jasiiradda Crete oo u dhow Griiga. Waxay halkaas ka aasaaseen imaaraddii Crete. Inkastoo aysan si toos ah u qabsan magaalada Argos, waxay weeraro iyo duulaanno kala duwan ku hayeen xeebaha koonfureed ee Giriiga. Waxay isku dayeen inay isku fidiyaan dhankaas, laakiin imaaradoodu ma gaadhin Argos Maamulkii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire): Tani waa xilligii ugu muhiimsanaa ee ay Argos hoos timaado maamul Islaami ah. Laga bilaabo qarnigii 15aad, boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Turkida) ayaa qabsatay inta badan Griiga. Argos waxay ka mid ahayd magaalooyinkii ay ka talin jireen boqortooyada Cusmaaniyiinta muddo qarniyo ah, ilaa laga xoreeyay xorriyaddii Griiga ee qarnigii 19aad

Intii ay hoos imaanaysay boqortooyadii Cusmaaniyiinta, Argos waxay ahayd magaalo muhiim ah oo ay ku noolaayeen Muslimiin iyo Masiixiyiinba. Waxay lahayd masaajiddo iyo dhismayaal kale oo Cusmaaniyiintu dhiseen, kuwaas oo qaar ka mid ah raadkooda weli laga arki karo magaalada.  Marka la soo koobo, Argos waxay si qoto dheer ugu xidhan tahay taariikhda Giriiga, laakiin xiriirkeedii ugu dhowaa ee maamul Islaami ah wuxuu ahaa markii ay boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman) maamushay muddo qarniyo ah. 


11. Plovdiv (Bulgariya)

Plovdiv waa magaalo ka mid ah magaalooyinka ugu da'da weyn Yurub, oo leh taariikh ka badan 6,000 oo sano. Waxay ku taallaa koonfurta Bulgariya, waxaana la aasaasay xilligii Neolithic-ka.

Plovdiv waa magaalo ku taal Bulgaria, waxayna leedahay taariikh aad u fac-weyn oo ay soo martay ilbaxnimooyin kala duwan. Magaca Plovdiv iyo magacyadii hore ee loo yaqaanay sida Eumolpias iyo magacyadii kale ee ay lahayd wakhtiyadii kala duwanaa, waxay tilmaamayaan wejiyada kala duwan ee magaaladu soo martay.  Farqiga u Dhexeeya Plovdiv, Thracian, iyo Eumolpias Markii hore, magaalada waxaa la oran jiray Eumolpias, waxaana la dhisay qarnigii 12-aad BC. Waxaa dhistay qabiilka Thracian ee Bessi. Eumolpias magaceedu wuxuu ka yimid qabiilka Thracian-ka ah ee deganaa meeshaas.

Magaaladu waxay markii dambe la kulantay boqortooyooyin kale oo is daba maray, kuwaas oo mid walba magac cusub u bixiyay, laakiin hadafka guud waxa uu ahaa in magaalada laga dhigo xarun ganacsi iyo mid ciidan oo muhiim ah.  Magaca Plovdiv waxa la aaminsan yahay in uu ka yimid magacii hore ee Slav-ka ee Ploudin, kaas oo markii dambe u wareegay Plovdiv. Magacan maanta la adeegsado wuxuu xambaarsan yahay dhaxalkii taariikheed ee magaaladu soo martay

Marxaladihii ay soo martay

Xilligii Roomaan (46 BC - 395 AD) Roomaanku waxay qabsadeen Thracian-ka, waxaana magaalada loo bixiyay Trimontium oo macnaheedu yahay "Saddex Buurood." Waxay magaalada ka dhiseen dhismayaal waaweyn sida goobta masraxa lagu ciyaaro (Ancient Roman Theatre), jidad waaweyn, iyo aqueducts (meelaha biyaha lagu qaado). Goobtii Masraxa Roomaanka ilaa maantadan waxa lagu qabtaa bandhigyo.  Xilligii Roomaanka, Trimontium (Plovdiv) waxay noqotay xarunta gobolka Thracian, waxayna la kulantay horumar dhan kasta ah, taas oo ka caawisay inay noqoto magaalo aad u firfircoon. 

Xilligii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (1364 - 1878) 

Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa qabsatay Plovdiv qarnigii 14-aad. Magaalada waxay ka dhigeen xarun muhiim ah, waxayna ka dhisteen dhismayaal badan oo cusub sida masaajidda, suuqyada, iyo hoyyada (Caravanserais) ganacsatada. Waqtigii Cusmaaniyiinta, magaaladu waxay xambaarsanayd laba dhaqan oo is dhex-galay: diintii Masiixiga iyo Islaamka. Magaalada waxay lahayd suuqyo aad u firfircoon, waxaana ka shaqayn jiray ganacsato kala duwan oo ka kala yimid daafaha adduunka. In kasta oo ay dhibcooyin siyaasadeed jireen, Plovdiv waxay ahayd xarun dhaqaale iyo dhaqan oo weyn.  Haddaba, magacyada kala duwan ee magaaladu waxay xambaarsan yihiin sheekooyinkii kala duwanaa ee ay soo martay, laga bilaabo wakhtiyadii hore ee Thracian-ka ilaa iyo xilliyadii Casriga waxa ay la soo wareegtay marxalado kala duwan oo ay ka taliyeen boqorro Masri ah, Roomaan, iyo Carab. Mid ka mid ah boqoradii ugu caansanaa waa Kleopatra 7aad taasoo lahayd guryo ku yaal agagaarka harada fiayum

Gunaanad

Magaalooyinkan qadiimiga ah waxay tusaale cad u yihiin sida bani'aadamku u dhisay, u maamulay, oo u horumariyay bulshooyinkooda. Inkastoo boqortooyooyinkii hore ay libdheen, magaaloyinkan waxay weli taagan yihiin, iyagoo sheekadooda taariikheed u gudbinaya jiilasha soo socda









Previous Post Next Post